Kenya: Saraakiil ka tirsan DCI ayaa gacanta ku dhigay Mohammed Noor Muhyadhin Mohammed, oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa lacag laga helay khiyaano dahab ah oo lagu dhacay muwaadin Mareykan ah, laguna qiyaasay $217,900. Mohammed, oo ah milkiilaha shirkadda Mohazcom Trading oo ka diiwaangashan Kenya, isla markaana ka ganacsata taleefannada gacanta, ayaa hadda wajahaya baaritaanno la xiriira qorshe si xeel dheer loo abaabulay.
Xariggiisa ayaa daba socday qabashadii hore ee Willis Onyango Wasonga, oo loo yaqaan Marcus, kaas oo la horgeeyay maxkamadda Milimani Law Courts 16-kii Febraayo 2026, laguna soo oogay dacwado ay ka mid yihiin khiyaano, helid lacago si been abuur ah, iyo ku takri-fal hanti laga helay fal dambiyeed, sida uu dhigayo sharciga POCAMLA ee 2009.
Baaritaannada ayaa muujiyay in 3-dii Febraayo 2026, Mohammed uu shirkaddiisa ku helay wareejin degdeg ah oo dhan $217,900 oo soo martay akoon ku yaalla National Bank of Kenya, lacagtana laga jaray akoon ay leedahay MOAC Advocates. Lacagtan ayaa la sheegay inay ahayd lacag lagu bixinayay 495 kiilo oo dahab ah oo aan gaarin dhibbanaha.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in markiiba markii lacagtu soo gashay akoonkiisa, Mohammed uu u wareejiyay dibadda, gaar ahaan akoonno ku yaalla Hong Kong oo lala xiriiriyay Tecno Mobile Limited, iyadoo lagu sheegay in lagu iibsanayay shixnad cusub oo taleefanno ah oo aan wali dalka soo gaarin.
Baarayaashu waxay sidoo kale ogaadeen inuu xiriir ganacsi oo muddo dheer ah la lahaa Forex Bureau ku yaalla Standard Street ee Nairobi, taasoo la rumeysan yahay inay door ka ciyaartay wareejinta lacagaha xuduudaha ka gudba. Mohammed ayaa hadda ku jira xabsi, iyadoo la filayo in maxkamad la soo taago, halka saddex eedeysane oo kale ay wali baxsad ku jiraan.
✍️ Zakariye Karazaay