Shiinaha ayaa caddeeyay inuusan joojin doonin iibsiga shidaalka Ruushka iyo Iiraan, kaddib markii Mareykanka uu kala hadlay in joojinta shidaalka Ruushka uu ku heli karo in meesha laga saaro canshuuraha la saaray badeecadihiisa , balse wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha , waxay uga jawaabtay hadalkan ; “Shiinuhu mar walba wuxuu hubin doonaa helitaanka tamar si waafaqsan danaha qarankeena.”
Hindiya ayaa horey sidan oo kale u diiday cadaadiska Mareykanka ee inay joojiso shidaalka ay ka iibsato Ruushka , tan oo ka dhigan dharbaxo diblomaasiyadeed oo uu wajahayo Trump , xilli uu qorsheynayo in 8 bishan Agoosto uu ku dhawaaqo go’aamo go’doominaya Ruushka iyo canshuuro dheeraad ah, laakin go’aamadan kama duwana kuwii hore oo Ruushka, wuxuu helaya xulafadiisa bariga ee sii wada wax iibsiga iyo wadaaga dhaqaalaha.
