Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga Waliid Khuruuji ayaa gaadhey magaalada Addis ababa ee caasimadda Ethiopia isaga oo kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Gedion Timothewos, kaas oo ay ka wada hadleen danaha labada dhinac iyo xaaladda Geeska Afrika.
Weftigan oo noqonaya kii labaad ee Sucuudigu u soo diro Ethiopia ayaa ku soo beegmaya xilli ay kacsan tahay xaaladda gobolka Geeska Afrika.
Sucuudiga ayaa doonaya in Ethiopia ku dhawaaqdo mawqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland iyo in ay joojiso taageerada kooxda ka dagaallanta Sudan ee RSF.
Ethiopia ayaa u muuqata in ay ka gaws-adeegtay cadaadisyada Ankara iyo Riyaad kuwaas oo doonaya in ay diido aqoonsiga Somaliland.
Gallaydh TV