𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐊𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐊𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, halkaasi oo ay ku qaabileen Wasiirka Wasaaradda, Wasiiru-Dawlaha, Agaasimaha Guud iyo Madaxda Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Booqashada Madaxweynaha ayay ujeedadeedu ahayd u kuur-gal la xidhiidha hab-sami-u-socodka hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaraddu Qaranka uga masuulka tahay, gaar ahaan xagga Dakhliga, ururinta Cashuuraha yo kobcinta Dhaqaalaha Dalka.
Ugu horrayn, iyada oo ay goob joog ahaayeen dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaraddu, waxa
Madaxweynaha warbixin qoto dheer siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan isaga oo is dul taagay in ay ka Wasaarad ahaan sameeyeen Qorsheyaal Qaran iyo Barnaamij kor loogu qaadayo Dakhliga iyo Dhaqaalaha Dalka.
Wasiirku waxa uu Madaxweynaha uga xog warramay arrimo muhiim ah oo ku saabsan ururinta cashuuraha iyo kobaca maaliyadeed oo lagama maarmaan u ah socodsiinta hawlaha baaxadda leh ee Qaranka, arrimahaasi waxa ka mid ahaa:
- Xeerarka kala duwan ee ay ku shaqayso Wasaaraddu,
- Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026
- Dib u Habaynta Cashuuraha (sida cashuuraha GST)
- La dagaalanka Koontara-Baanka,
- Isbeddelka yididiilada leh ee ka muuqda GDP-ga dhaqaalaha,
- Maamulka Mashaariicda Dibedda oo ka hor Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ahaa 4 mashruuc, imikana ah 11 Mashruuc.
- Sahaminta iyo hirgelinta ilo kale oo Dakhli oo wax ka tari kara kobcinta Dhaqaalaha Dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa tibaaxay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalahu ay Halbowle u tahay Qarankeena, maadaama ay tahay Wasaaradda laga rabo in ay soo saarto Miisaaniyaddii ay ku shaqayn lahaayeen dhammaan Hay’adaha kala duwan ee Dawladda.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay soo kordheen hawlo badan Qaranka muhiim u ah oo aan ku jirin Miisaaniyadda 2025-ka, sida Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Gaadiidkoodii iyo Kordhinta Mushaharka qaybaha kala duwan ee Ciidamada dalka.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay dedaalka dheeraadka ah ee laga rabo Wasaaraddan si loo daboolo baahiyaha Qaranka isla markaana loo sugo adeegyada kala duwan ee muhiimka u ah nolosha bulshada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muwaadiniinta Somaliland faray in ay bixiyaan wixii cashuur ah ee ku waajibtay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si adag u sheegay in maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqu ay yihiin saldhigga horumarka bulsho kasta. Sidaa darteedna Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad aanay haba yaraatee u
u dulqaadan doonin wax-is-daba marin, mid maaliyadeed iyo mid maamulba.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu faray dhammaan adeegayaasha Xukuumadda heer kasta oo ay yihiinba in ay ka dheeraadaan Musuqmaasuqa.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
















