
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maantaQasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Dalladda Is-baahaysiga Ururrada Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC) oo uu fadhigiisu yahay magaalada Geneva, Mudane Jagan Chapagain oo booqasho rasmi ah ku jooga Somaliland, ka dib markii uu marti-qaad rasmi ah ka heley Ururka Bisha Cas ee Somaliland oo xubin ka ah Daladda guud ee IFRC oo ay xubno ka yihiin 192 dal oo dunida ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Xoghayaha Guud iyo weftigiisa uga mahad naqay booqashadooda, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyay hawlaha muhiimka ah ee ay Hay’adahan Caalamiga ahi ka wadaan Somaliland, gaar ahaan arrimaha bini’aadannimada, caafimaadka, gurmadka masiibooyinka iyo kaalmada horumarka bulshada.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Xoghayaha Guud iyo Madaxda la socotay ku boorriyay in ay sii kordhiyaan tirada mashaariicda iyo tayada adeegyada ay ka hirgeliyaan Somaliland.
Xoghayaha Guud ee Dalladda Is-baahaysiga Ururrada Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas waxuu dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqay qaabilaada, waxana uu si kalsooni leh u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado Somaliland.
Waxa uu sheegay in uu booqday degaano ka mid ah Gobollada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer indhihiisana uu ku soo arkay amniga iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, taasi oo gebi ahaanba ka duwan wixii isaga Somaliland looga sheegi jiray ama sawirka khaldan ee laga bixin jiray Somaliland markii uu joogay Geneva.
Waxa uu sheegay in nabadda iyo xasilloonida ka jirta Somaliland ay shaqaalaha Ururrada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas iyo hawl-wadeennada gargaarka bini’aadannimada
u suurto gelisey in ay si bilaa wer wer ah u gutaan shaqadooda, goor kasta iyo goob kasta.
Xoghayaha Guud waxa ku wehelinayey madax sare oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Fulinta ee SRCS Somaliland, Axmed Cabdi Bakaal, Mr Nixon Yuusuf Xasan Maxamed Madaxweynaha SRCS fadhigiisu yahay Nairobi iyo Mr Azmat.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝









