Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

October 5, 2025

Urur-siyaasadeedkii Horseed iyo Xisbiga mucaaridka ee Kulmiye oo Wadahadal u Furmay.

0 0
Read Time:46 Second

Urur-siyaasadeedkii Horseed iyo Xisbiga mucaaridka ee Kulmiye oo Wadahadal u Furmay.

Hargeysa – 19/06/2025 – (Warbaahint Urur-siyaasadeedkii HORSEED)- Waxaan Wada-hadal iyo xog-warran noo furmay hogaanka xisbiga mucaaridka ee kulmiye, iyadoo labada dhanba ay gudidoodu is waajaheen waxaanan ku furnay shirkii koobaad hotelka Daily-Dose ee magaalada hargaysa.

Anigoo ah Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedkii HORSEED Md. Cabdilahi Xuseen Iimaan “Darawal” oo ay i wehelinayeen xubnaha hoggaanka ururka waxaan si wada-jir shirkii koobaad uwada furnay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin Axmed iyo Hogaanka xisbiga.

Waxaana Labadan Guddi oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi Xussn (Axmed Cabdi Dheere) iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Ururka Horseed Md. Maxamed Xasan Sh. Muumin aanu u saarnay labadayda dhanba sidii ay kulamadooda uga midho-dhaliyaan kuna falanqayn doonaan midow dhexmara labada dhinac iyo arrimaha ay ku heshiinayaan.

Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedkii
Horseed.
Md Cabdilahi Xuseen Iimaan “Darawal”

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %