Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

October 5, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato nabadda, amniga iyo horumarka dhaqaale ee Geeska Afrika.

0 0
Read Time:2 Minute, 48 Second

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato nabadda, amniga iyo horumarka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Maqaal uu Madaxweyne Cirro ku daabacay wargeyska The East Africa oo ka soo baxa Magaalada Nairobi, kaas oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayuu ku sheegay in Somaliland tahay dal xilkas ah oo la isku hallayn karo isla markaana la diyaar ah Iskaashi ku sallaysan faa’iido wadaag, dano istiraatijiyadeed, iyo yoolasha la wadaago ee xasilloonida iyo barwaaqada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu tilmaamay in soo dhawayntii diiranayd ee toddobaadkii tagay lagu qaabilay weftigii uu hoggaaminayay ee booqashada shaqo ku joogay dalka Kenya ay daliil u ahayd dareenka joogtada ah ee midnimada Afrika iyo suurtogalnimada iskaashiga mandaqada gobolka.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in kulankii uu la yeeshay dhigiisa Kenya William Ruto uu ku soo dhammaaday natiijo wanaagsan oo ay isku afgarteen qodobadii ay ka wada hadleen, isagoo xusay in tani ay astaan u tahay sida ay labada waddan diyaarka ugu yihiin inay xoojiyaan iskaashigooda ku dhisan is-ixtiraamka, qiyamka wadaagga ah, iyo aragti midaysan oo ku wajahan barwaaqo dhaqaale iyo amni oo labada dal gaadhaan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu u xaqiijiyay dhigiisa Kenya sida ay Somaliland uga go’an tahay inay kaalinteeda ka qaadato xasilloonida gobolka isagoo intaas ku daray inay sahamiyeen waddooyin cusub oo iskaashi kucyeellan karaan labada dal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay khad cusub oo duulimaad diyaaradeed ah kaas oo isku xidhi doona Magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi kana mid ahaa arrimaha muhiimka ah ee labada dal ku heshiiyeen.

Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in labada qaran ee Somaliland iyo Kenya ay wadaagaan dhaxal taariikheed oo soo jireen ah isla markaana ay heegan u yihiin inay ka midho dhaliyaan danaha ay wadaagaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin kobac dhaqaale, la-dagaallanka argagixisada, iyo nidaamka dimuqraaddiyadda.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxaa kale oo uu tilmaamay in si looga midho dhaliyo heshiisyada iskaashi ee Somaliland iyo Kenya u dhexeeya uu ku rajo weyn yahay in bilaha soo socda ay Caasimadda Hargaysa iman doonaan wefti ka socda dalka Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro wuxuu iftiimiyay in furitaankii iyo ballaadhintii lagu sameeyay xafiiska diblomaasiyaddeed ee Somaliland ku leedahay magaaladda Nairobi uu ahaa guul weyn oo u soo hoyatay xidhiidhka laba geesoodka ah iyo raadinta iskaashiga caalamiga ah.

Maqaalkan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku qoray wargeyska The East Afrika wuxuu ku dul istaagay bogcada istaraatiijiga ah ee Somaliland ku taallo ee marin biyoodka bada cas iyo sida ay dalalka gobolka diyaarka ugula tahay inay la wadaagto xidhiidho ganacsi oo wax ku ool ah, isagoo sheegay in maalgalin ballaadhan lagu samaynayo dekedda Berbera isla markaana la casriyaynayo nidaamka kastamka, si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee waddooyinka iyo isgaadhsiinta, Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in faa’iidada ka dhalata mashaariicdani aanay ku koobnaan doonin Somaliland, balse ay noqon doonaan hanti gobolku leeyahay.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Somaliland ay muddo dheer soo qabatay doorashooyin nabad ah oo isdaba joog ah, iyadoo ilaalisay mid ka mid ah goobaha ugu amniga badan Geeska Afrika, sidaas darteedna ay mudan tahay inay qayb ka noqoto wada hadallada caalamiga ah.

Gabo gabadii waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland qoraalkiisa ku sheegay in labada dal ee Somaliland iyo Kenya ay fursadan uga faa’iidaysan karaan dariiq aan keliya u adeegayn danaha qaran oo kaliya; balse sare u qaadi doonta rejada gobolka.

-DHAMMAAD-

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %