Social menu is not set. You need to create menu and assign it to Social Menu on Menu Settings.

October 5, 2025

Journalka Wolrd Street ayaa sheegay in laga walaacsanyahay ganalaao yaraan ku habsatay Talaabiib

0 0
Read Time:50 Second

Journalka Wolrd Street ayaa sheegay in laga walaacsanyahay ganalaao yaraan ku habsatay Talaabiib

Warbixin sirdoon oo ay si wadajir ah u sameeyeen Maraykanka iyo Israa’iil ayaa daaha ka qaadday xaqiiqo walaac leh: awoodda Israa’iil ay isaga celin karto gantaallada Iiraan waxay ku eg tahay muddo 12 maalmood oo keliya haddii aysan helin gurmad military oo Maraykan ah. Sababtu waxa weeye, inkastoo nidaamkeeda difaacu uu guulaystay, haddana Israa’iil waxay si xawli ah u isticmaalaysaa gantaalaheeda qaaliga ah ee difaaca, waxaana soo wajahday yaraansho weyn oo dhanka hubka ah.

Dhinaca kale, warbixintu waxay cadaynaysaa in Iiraan ay haysato kumanaan gantaallo ah oo aad uga badan kuwa Israa’iil iyo xulafadeeda, taasoo u saamaxaysa inay ku dagaalanto istiraatiijiyad daalin ah si ay u wiiqdo awoodda difaaca ee cadowgeeda. Sidaa darteed, nuxurka warku wuxuu si cad u muujinayaa in Israa’iil aysan isku filnayn dagaal dheer, badbaadadeeduna ay si toos ah ugu xidhan tahay taageerada iyo sahayda hubka ee aan kala go’a lahayn ee ka timaada Maraykanka.
Fadlan Follow Aqoonyahan Ahmednuur Daahir

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
100 %
Surprise
Surprise
0 %